|
GAALKA
DIL GARTIISANA SII!.
Waxaa halkani talo u soo jeedinayaa
hoggaanka sare ee ururka sharafta u soo celiyay ummadda Soomaaliyeed ee
Al-Shabaab. Runtii howsha Al-Shabaad oo dadka iyo dalka u qabteen waa wax
ay xusi doonaan jilaal badan ee soo socda.
Haddaba, anigoo ogsoon xannuuka xasuuqa iyo gardarrada uu maamulka
dagaal-ooge Bush ka geystay dhowr jeer meelo badan ka mid ah Soomaaliya,
anigoo dareensan ciilka idinku abuurmay gumaadka halgameyaasha oo
Mareykanku geysteen, anigoo ogsoon in Ilaah qura aad ka baqeysaan, waxaan
idinka codsanayaa in aad uga fiirsataan ereyada aad saxaafadda kula
hadashaan oo xumaan iyo ceeb idin soo jiidan karo, sida kuwa nasiibka
daran oo dhowaan ka soo yeereen qaar ka mid ragga sar-sare ee ururkiinna.
Waxaan idin xusuusinayaa in dalka
Mareykanka uusan wada ahayn maamulka Bush oo in yar taageersan. Waxaa idin
soo jeedinayaa in aad ereyaadii ku saabsan dilka qof kasto oo Mareykan ah
oo Soomaaliya ku sugan aad iska saxdaan, kana noqotaan.
Soomaalidii hore waxay oran jirtay "Gaalka
dil, gartiisuna sii", taas oo ujeeddadeedu tahay mid iska cad. Sidoo kale,
waxaa la yiri "Gardarro mid kale laguma saxo". Qof kasto waa in loola
dhaqmaa sida uu wax u gesto, oo waa qalad aad u wayn in dad loo dilo dembi
aysan galin, wax lug ahna ku lahayn, sida waxyaabihii dagaalkii sokeeye ee
Soomaaliya keeneen, sida uu Mareykanka meel kasto ee dunida ka sameeyo,
gaar ahaan sidii masraxadda siyaasadda ku soo biiray Bush-yare iyo
kalkaaleyaashiisa.
Waxaa ururka Al-Shabbaab sharaf u soo
jiidi lahaa inuu soo qabto dadkii dilalkani amray iyo kuwa fuliyayba, tiir
sharci ah la horkeeno. Waannu wadu ognahay in arrintaasi aysan suurta-gal
ahayn, xilligan, maxaa yeelay dowlado naga awood badan ayaa arrintasi
fulin karin, qaar kalena xoog lagu qabsaday, sida Afganistaan, Ciraaq,
Haiti, tabtenna.
Marka, waxaan idinka codsanayaa in aad
ka noqotaan ereyada qalkan ee idinka fakaday, dunidana si deg-deg ah u
gaarsiiya go'aankaasi.
Xasan Maxamed
Saciid
Gelinsoor News Agency-Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Somalia
(Ku noqo Page-ka Hore)
Xafiiska Wararka Gelinsoor
News Agency (GNA)
Mogadishu-Somalia
E-Mail: Webmaster@gelinsoor.com Warar Xaqiiqa ah Kala soco Shabakadda Gelinsoor
|
|